Xog: Maxaa kala soctaa 5-ta qodob ee loo sababeynayo xariga CC Shakuur?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay ka hadashay sababta loo xiray siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaas oo wali xiran.

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow iyo xeer illaaliyaha guud Axmed Daahir ayaa laga akhriyay war qoraal ah oo lagu faahfaahinayo sidii ay wax u dhaceen.

Afhayeenka wasaaradda amniga Cabdicasiis Cali Ibraahim, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay dhameystiri doonto kiiska lagu baarayo danbiyada loo heysto C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaanada kale.

Wasaarada oo kaashaneysa macluumaad ku aadan kiiska lagu oogay Siyaasiga, ayaa tabaneysa dhowr qodob oo muujinaaya in C/raxmaan C/shakuur loo adeegsanaayay burburka dalka, isagoo eeganaayay dhaqaale oo qura.

Dowlada Federaalka ayaa si gaara C/raxmaan C/shakuur ugu eedeysay dhowr qodob, waxaana sidoo kale jira eedeymo kale oo ay qarineyso dowlada.

Eedeymaha hoose oo ay qarineyso dowlada ayaa waxaa kamid ah:

1-In dhanka maaliyada uu u qaabilsanaa mucaaradka garabka Cumar C/rashiid, isagoo loo adeegsanaaya dowlada.

2-In Wasaarada amniga loo gudbiyay muuqaal laga duubay CC Shakuur oo lacago gudoonsiinaaya Xildhibaano hirgalin lahaa qorsho lagu carqaladeynaayay dowlada.

3-In qaab aan munaasib aheyn uu uga falceliyay dacwad loo gudbiyay oo looga dalbanaayay inuu kusoo gaaro mid kamida xarumaha Hay’adaha amaanka, taa oo markii danbe dadajisay in Hooygiisa lagu weeraro.

4-In hanjabaado aan munaasib aheyn uu u diray mas’uuliyiin gaara oo xilal sare ka haya dowlada kuwaa oo ku howlanaa xalinta xiisada CC Shakuur kala dhexeysay.

5-In Sirta Qaranka iyo natiijooyinka kasoo baxaaya talaabooyinka lagu dhabar jabinaayay Qaranka uu si toosa ula wadaagayay Safaarada Imaaraadka ee ku taala magaalada Muqdisho, halkaa oo la sheegay inay Saldhig u noqotay goob ay Siyaasiyiinta mucaaradka ku iibiyaan sirta Qaranka.

Xeer ilaaliyaha ayaa saacadihii ugu danbeeyay Wasaarada Amniga la wadaagay dhammaan cadeymaha ‘’Qaran dumiska’’ ee loo heysta CC Shakuur, Xildhibaan Xasan Macalin iyo Saabir.

Sidoo kale, Xeer Ilaaliyaha Guud Axmed Daahir ayaa sheegay in aysan jirin cid sharciga ka saraysa, islamarkaasna socoto baaris daah furnaan ah oo “ay cid kasta ku qanci doonto” sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, warbaahinta lama tusin Cabdiraxmaan ama wax sawirro ah oo muujinaya muuqaalkiisa tan iyo intii la xiray, balse waxa ay mas’uuliyiinta sheegeen in uu badqabo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com