Kheyre oo saraakiisha hay’daha amniga uga digay 2 arrin oo dhaqan ka noqotay dalka

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre oo kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka ayaa ka digay in la dayaco amniga iyo mas’uuliyada ka saran difaaca dalka.

Kheyre waxa uu Saraakiisha ku amray inay gutaan waajibaadkooda, waxa uuna uga digay inay ku lug yeeshan Siyaasadaha iska soo horjeeda ee ka taagan dalka.

Waxa uu uga digay in Sarkaal waliba lagula xisaabtami doono qeybta uu mas’uulka ka yahay waxa uuna u cadeeyay in Hay’adaha amaanka aysan xiriir la laheyn arrimaha khabiilka iyo Siyaasad waliba oo ka jirta dalka.

Howsha Hay’adaha iyo Saraakiisha amaanka ayuu sheegay inay tahay keliya wixii ku xeeran amniga dalka iyo inay gutaan waajibaadkooda.

Kheyre waxa uu Saraakiisha uga digay laba qodob oo inta badan dhaqan u noqday Hay’adaha iyo Saraakiisha amaanka kuwaa oo kala ah:

1-Inaan howsha Qaranka loo dayicin howlo gaara oo la xiriirta dano qabiil ama mid shaqsiyadeed.

2-In Sarkaal waliba si joogta ah lagula xisaabtami doono howsha loo igmaday ee dhanka amaanka, isla markaana la doonaayo in xisaabta uu ku darsado in talaabooyinka khaldan uu ku muteysan doono ciqaab.

Kheyre waxa uu sheegay in dhawaan ay waxbadan ka bedeli doonaan xaaladaha uu ku jiro dalka, waxa uuna cadeeyay inay dareemayaan inay jirto tabashooyin badan oo ay muujinayaan Talisyada ciidamada balse la doonaayo in loo sabro xaalada jirta.

Sidoo kale, Kheyre waxa uu ku baaqay in Saraakiisha ay ciidamada culeyska ku saran inay la dhaqmaan dadka shacabka oo ay sugayaan amnigooda.

Haddalka Kheyre waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo Madaxweynaha dalka uu ku goodiyay la xisaabtanka cid waliba oo ka tirsan Hay’adaha amaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com