Siyaasiyiinta mucaaradka oo faarujiyay guryaha ay ka deganyihiin Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay wararku sheegayaan waxaa cabsi weyn ay lasoo daristay Siyaasiyiinta sida aadka ah kaga soo horjeeda dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Siyaasiyiinta qaar ayaa la sheegayaa in cabsi aawgeed ay kaga carareen Hooygooda kadib markii dowlada Federaalka ah ay bilowday inay weerar ku qaado guryaha ay degan yihiin mucaradka.

Siyaasiyiinta baqdinta uga cararay Hooygooda ayaa deegaan ka dhigtay Hoteelada waaweyn ee magaalada, gaar ahaan kuwa sida aadka ah loo sugay amnigooda.

Mid kamid ah Siyaasiyiinta xisbiga Wadajir ee mucaaradka ah ayaa xaqiijiyay in weerarkii lagu qaaday C/raxmaan C/shakuur uu qalqal galiyay Siyaasiyiinta kale.

Waxa uu Siyaasigaan qiray in qaarkood ay baqdin uga carareen Hooygooda isla markaana ay dageen Hoteelada, waxa uuna ku baaqay in la tixgaliyo fikirka mucaaradka.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Siyaasiyiinta ay ku jiraan kuwo aan ka bixikarin Hoteelada sababo la xiriira cabsi dhanka dowlada ah, waxa uuna taa ku micneeyay mid lagu dhabar jabinaayo Mucaaradka.

Si kastaba ha ahaatee, cabsidaan ayaa soo ifbaxday wixii ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday Hooyga C/raxmaan C/shakuur ee uu ku daatay dhiiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com