Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii ugu danbeeyay cirka isku sii shareeray hadal heynta Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Ra’isul wasaare Kheyre.
Diyaarinta Mooshinka ayaa waxaa ka dhex curtay Isbaheysiyo dhanka Xildhibaanada ah, kuwaa oo isugu jira kuwo diyaarinaaya Mooshinka iyo kuwo kale oo aad kaga soo horjeeda Mooshinka ka dhanka ah XFS.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xildhibaanada Mooshinka wada ay Ra’isul wasaare Kheyre ku xujeeyen inuu isku shaandheyn ku sameeyo Xukuumadiisa.
Xildhibaanada Mooshin wadayaasha oo kulan degdeg ah la qaatay Ra’isul wasaaraha ayaa la xaqiijiyay inay hordhigeen laba qodob oo kala ah:
1-Inuu Kheyre ku dhaqaaqo Isku shaandheyn degdeg ah si loo hakiyo Mooshinka lagu kala diraayo Xukuumadiisa.
2-In tirro kordhin lagu sameeyo Xildhibaanada iminka u diiwaan gashan Mooshinka, isla markaana xilka laga qaado Ra’isul wasaaraha.
Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in Kheyre uu doorbiday inuu ku dhaqaaqo isku shaandheyn dhanka Golaha Wasiiradiisa ah.
Sida uu axdigu yahay Ra’isul wasaare Kheyre ayaa laga yaabaa inuu isku shaandhey degdeg ah ku sameeyo Golihiisa Wasiirada, isagoo tix raacaaya heshiis hoosaadka ay wada galeen Xildhibaanada Mooshin wadayaasha.
Sidoo kale, Isku shaandheynta Kheyre ayaa la qorsheynayaa in lagu baajiyo mowjadaha siyaasadeed ee ku soo fool leh Xukuumadda.
Dhinaca kale, waxaa kulamo gaargaar ah Hoteelada Muqdisho uga socdaa Xildhibaanada Mooshin wadayaasha oo iyagu ka arinsanaaya sida ay dhaqaale uga dhalin lahaayen Mooshinka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

