Xildhibaanada mooshinka diidan maxay uga dhiggan tahay guuritaanka Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Xildhibaan Aadan Isaaq ayaa ka hadlay talaabadii uu xarunta Villa Uganda uga guuray guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh.

Wasiirka ayaa sheegay in guuritaanka guddoomiyaha baarlamaanka ee Villa Uganda ay ka dhigan tahay in dhexdhexaad uusan ka aheyn arrimaha la isku hayo, maadaama uu u guuray goob ay maamulaan Mucaaradka sida uu hadalka u dhigay.

Qoraal uu wasiirka soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan:-

Waa iga su’aal;

Guddoomiyaha Baarlmaanka waxaa laga rabaa in uu ku sifoobo dhexdhexaadnimo oo uu u garsooro dhammaan xildhibaannada golaha shacabka, balse;

1- in uu xildhibaanno gaar ah la kulmo,
2- iyo in uu gurigooda u guuro.

Waxa ay muujineysaa inuusan dhexdhexaad ahayn. Marka waxaa is weydiin mudan sidee ayuu ku doonayaa inuu golaha ku hoggaamiyo, kana arrimyo arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Mooshinka laga gudbiyay madaxweyne Farmaajo oo dano shaqsiyadeed ku saleysan ayaa wali wax xal ah laga gaarin, iyadoo guddoomiye Mursal oo taageero ka heysta xildhibaanada mooshinka gudbiyay uu ka guuray Madaxtooyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com