Xildhibaan Shariif Cabdalle oo xog dheeri ah ka bixiyey guurista gudoomiye Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalle oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa xogo dheeri ah ka bixiyay xiisadda siyaasadeed ee taagan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xiisadda mooshinka ay qabasho laheyd kahor inta uusan gaarin halka uu hadda taagan yahay, loona baahnaa inay ka wada shaqeeyaan guddoonka baarlamaanka.

Xildhibaanka ayaa ugu horeyn soo hadal qaaday guurista guddoomiyaha baarlamaanka, isaga oo sheegay in arintaasi aysan wax saameyn ah laheyn, maadaama uu sheegay inuu xaq u leeyahay inuu dagi karo halkii uu doono.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xildhibaanada ay xaq u leeyihiin inay gudbiyaan mooshin, balse loo baahnaa inta heerkaan uusan soo gaarin in qaab odaytinimo ah loo xaliyo dhibaatooyinka keenay mooshinka.

“Waxaa laga rabaa guddoomiyaha kaalintii kaga aadaneyd inuu gutaa oo wuxuu ka odayeyn karo ka odayeeyo, mooshin in la qabtaa wax weyn maaha, balse waxaa fiicneyd in marka hore xiisadda xal laga gaaro”.

“Mooshinka sida loola falgalay ayaa halkaan keentay, Lama maqleen haddii mooshika la qabto kadibna si xasilin loogo kala dabqaadi lahaa dadka wax kala tirsanaayo”ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay Khilaafka u dhaxeeyo guddoonka baarlamaanka oo labo u kala jabay, isaga oo sheegay inay yihiin dadkii xalka looga baahnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com