Xildhibaanada Mooshinka kawada JAWAARI oo shaaciyay xiliga ay Mooshinka horgeynayaan BF (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Mooshinka kawada Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa shaaca ka qaaday in weli uu taagan yahay Mooshinka laga wado Jawaari.

Xildhibaanada ayaa sheegay inaanu jirin wax la yiraahdo Tanaasul iyo dib uga laabasho Mooshinka, kadib markii ay tilmaameen inay ka miro dhalinayaan Mooshinka wakhtiga ka qaatay.

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Somalia oo la hadlaayee Idaacada risaala ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Jawaari uu ku badbaadi karo keliya Iscasilaad.

Nuqul kamid ah hadalka Xildhibaanka ayaa ahaa ‘’Dadaalka socda micnuhu maaha in la hakinaayo Mooshinka ee waxaa la joojinayaa buuqa Mooshinkuna waa halkiisa’’

‘’Anagu ka Xildhibaan ahaan Madaxweynaha nagalama hadlin arrinta Mooshinka, wuxuu la kulmay Guddoonka baarlamaanka oo kaliya si loo xaliyo buuqa ka dhex curtay’’

Xildhibaan Xildhibaan Cabdi Cali Xasan, ayaa sheegay in Mooshinka Jawaari ay baarlamaanka horgeyn doonaan maalinta arbacada ah ee fooda nagu soo heysa, sida uu hadalka u dhigay Xildhibaanka.

Waxa uu sheegay in qorshaha uu ahaa in maanta oo Isniin ah uu furmo kulanka Golaha Shacabka balse ay soo korortay cilad farsamo, kadibna sidaasi uu ku baaqday kulanka, sida ay xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Haddalka Xildhibaanka ayaa kusoo beegmaaya xili ay socdaan dadaalo lagu doonaayo in lagu qaboojiyo khilaafka, si loo sii ambaqaado Mooshinka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com