Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada diidan mowshinka kalsooni kala noqoshada ah ee laga keenay raisul wasaraaha dalka ayaa sheegay iney soo gaareen hanjabaado kala duwan, iyagoo dhinaca kale ka warbixiyey aragtidooda ku aadan go’aankii shalay ka soo baxay gudoonka Baarlamanka.
Shir jaraa’id oo ay galabta ku qabteen magaalada Muqdisho ayey arrimahan faahfaahin kaga bixiyeen, waxaana shirkaas ugu horeyn ka hadlay xildhibaan Dr. Ibraahim Salebaan Xaaji Nuur oo sheegay in go’aamada 10-ka qodob ka kooban ee uu soo saaray guddoonka qaarkood ay ku waafaqsan yihiin kuwo kalena ay dhaliilsan yihiin.
“Anagoo Golaha ilaalinta shuruucda dalka iyo heybada Baarlamanka waxaan ku waafaqsanahay in arinta soo wajahday dowlada ay tahay mid siyaasadeed, aysana lug ku laheyn dastuurka iyo shuruucda dalka” ayuu yiri xildhibaanka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay iney iyagu ka soo horjeedaan qodobka 10aad eek u qoran go’aamada ka soo baxay gudoonka baarlamanka oo sheegaya in la qeybiyey mowshin.
“Anagu qodobkaas ma waafaqsanin Waayo kulankii shalay maba furmin mowshina laguma qeybin, lagumana qeybin Karin nidaamkii mowshinka lagu qeybin lahaana kama jirin, waxa aragnay waraaqo mowshinkaas ku saabsan oo hoolka ay la soo galeen xildhibaanada kale kuwaasoo xaafadaha loogu soo qeybiyey arintaasna sharci maaha, xeer hoosaadkana ma dhigayo” ayuu yiri xildhibaanka.
Waxaa uu sheegay iney talo ahaan u soo jeedinayaan in gudoonka baarlamanku uu ka laabto hadalka uu sheegay ee ah in la qeybiyey mowshin, waayo waa sharci darci daro, isagoo ka digay in la qaado talaabooyin aan waafaqsaneyn dastuurka iyo xeer hoosaadka baarlamanka.
“Waxaan u soo jeedinaynaa gudoonka baarlamanka inuusan burbur u horseedin baarlamanka iyo Qaranka, waxaan ka codsaneynaa madaxda dowlada, culumaaudiinka iyo qeybaha bulshada in si deg deg ah loo xaliyo dhibaatada taagan, waxaan la soconaa in baarlamanka Somaliland ay ka jirtay dhibaato, waxaa deg deg u xaliyey guurtida” ayuu intaa ku daray xildhibaanka.
Waxaa sidoo kale ka hadlay shirkan jaraa’id xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo shaaciyey in xildhibaanada diidan mowshinka ay soo gaarayaan hanjabaado kala duwan.
“Waxaan rabaa inaan u sheegno shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in xildhibaanada diidan mowshinka sharci darada ah ay si toos ah u soo gaarayaan hanjabaado kaga imanaya madaxtooyada iyo xildhibaanada naga soo horjeeda qaarkood, waxaana caalamka u cadeynaynaa in haddii xildhibaanadan wax la gaarsiiyo ay masuul ka yihiin dhinacyada u hanjabay” ayuu yiri xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]