Muqdisho (Caasimada Online) – Go’aankii uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Muqdisho ugu casuumay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa si aad ah uga carreysiiyey guddoomiye Jawaari, sida ay ilo-wareedyo xog-ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.
Shariif Xasan iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa shalay si diiran loogu soo dhoweeyey Muqdisho, waxaana la filayaa inuu kullamo la yeesho madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wararka ayaa sheegaya in ka hor inta uusan Shariif Xasan iman Muqdisho, uu Jawaari kala hadlay madaxweynaha inuu ka joogsado go’aankaasi, balse madaxweynaha uu ku adkeysatay. Waxaa la filayaa in Shariif Xasan iyo madaxweynaha ay kala hadlaan dhameystirka maamulka saddexda gobol, oo uu Jawaari aad u diidan yahay.
Jawaari oo saacado ka hor inta uusan Shariif Xasan imaan Muqdisho ku dhowaaqay in mooshinka ka dhanka ah Cabdi Weli loo qeybiyey xildhibaanada, codna loo qaadi doono shan maalmood kadib, ayaa go’aankaas ka laabtay isaga oo shaaciyey inaan mooshinka la horkeenin doonin baarlamanka.
Xildhibaanno arrinta xog-ogaal u ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Jawaari uu ka carrooday tallaabada madaxweyne Xasan Sheekh, taasina ay keentay in saacado gudahood uu ku beddelo go’aankiisa.
Khilaafka ka dhex taagan madaxda dowladda Soomaaliya ayaa u muuqda mid ku saleysan dano gaar ah oo dhinac kasta uu eegnayo, waxaana hadda muuqata in Xasan Sheekh ay fashil u keentay la safashadiia Shariif Xasan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]