27 C
Mogadishu
Sunday, July 13, 2025

Cabdi Weli oo shuruud ku xiray wada hadal uu la galo madaxweyne XASAN!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed Maxamed oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in sharuud ay ku xiran tahay wada hadallo uu la galo madaxweynaha Somalia .

Cabdi wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in khilaafka madaxweynaha uu ka dhashay go’aankii uu isku shaandheenta uu ugu sameyay golihiisa wasiiradda islamarkaana ay ka xanaaqeyn wasiiro saaxiib la ah madaxweynaha Soomaaliya, waa sid uu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

“Mooqifkeygu waa inaan ku taagnaado Dastuurka iyo sharciga arrintaana lagu xaliyo wada-hadal iyo Isfahan” yuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

“Waxaan diyaar u ahay wada-hadal, laakiin kaliya waa haddi wada-hadalku yahay mid ku qotoma dastuurka dalka u yaalla” ayuu yiri Cabdi Weli.

Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa u muuqda mid laga dareemi karo inuu weli ku adkeysanayo go’aankiia uuna u arko mid dastuurka dalka uu saamaxayo.

Wasiirka kowaad ee dalka ayaa u mahadceliyay guudoonka sare iyo mudanyaasha baarlamaanka oo uu sheegay in ay markasta u taagan yahay in lagu xaliyo khilaafka madaxdda wada xaajood .

Khilaafka Madaxda dowladda ka dhex jira ayaa saameyn xoogan ku yeeshay shirkii golaha wasiiradda iyo howlaha horyaalo xukumada Cabdiwali Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News