Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu kulan Xarunta Xalane kula qaatay Nakosazana Dlamini-zuma oo ah Gudoomiyaha Midowga Afrika.
Madaxweyne Xassan iyo Nakosazana Dlamini-zuma, ayaa kawada hadlay Arrimo Dhowr ah oo ay kamid yihiin Khilaafyada, Ammaanka iyo Horumarka ay Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ku talaabsanayaan.
Madaxweyne Xassan ayaa soo dhaweeyay guulaha ay ku talaabayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa DF Somalia, waxa uuna ballan qaaday in Ciidamadu ay horay usii ruqaansan doonaan ka hor inta aan la gaarin doorashada 2016-ka ka dhici doonto Somalia.
Waxa uu sidoo kale, uga warbixiyay Khilaafka iyo heerka uu gaarsiisan yahay, waxa uuna Madaxweynuhu rajo ka muujiyay in maalmaha soo socda ay wax ka bedeli doonaan Khilaafkooda.
Sidoo kale, Dlamini-zuma ayaa hada Xarunta Xalane kulan adag kula leh Wasiiro Dowlaha Wasaarada arrimaha Dibadda Burci Maxamed Xamza, Wasiirka Gaashaandhiga Xukumadda Somalia Maxamed Sheikh Xasan “Xaamud” iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradaha dalka.
Lama Oga Nakosazana Dlamini-zuma waxa ay kala hadli doonto Wasiirada, inkastoo warar hoose ay Tibaaxayaan in kulankooda uu noqon doono mid diirada lagu saarayo Arrimaha la xiriira Khilaafka, Mooshinada iyo duulaanka ay Ciidamada isgarabsanaayo wadaan.
La soco wixii war ah ee kusoo kordha wararkeena dambe