27.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xildhibaanada oo go’aan ka gaaray lacagta laga doonayo musharaxiinta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanadda dhawaan la dhaariyey ee Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ayaa maanta Fadhi mideysan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacbiga ee magaalladda Muqdisho.

Kulankaasi ayaa looga hadlay Qoddobo ay ka mid yihiin Magacaabista Guddiyadda Doorashadda iyo Xeer-hoosaadka Doorashadda Guddoonka Barlamaanka iyo tan Madaxtinimadda ee soo socota.

Kulankaasi oo saacado badan qaatay ayey Xildhibaanadda Labada Aqal isku raaceen Kharajka laga qaadi doono Murashixiinta Guddoonka Barlamaanka iyo tan Madaxtinimadda.

Kharajka diiwaan-gelinta Musharixiinta Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenadda Labada Aqal ee Barlamaanka waxaa qofkiiba laga dhigay 15,000 oo Dollar.

Sidoo kale, Murashixiinta xilka Madaxweynaha waxaa la go’aamiyey in qofkiiba laga qaadayo Lacagta dxiiwaan-gelinta oo dhan 30,000 oo Dollar.

Horey ayaa waxaa xubnaha Madasha Qaran ay u gooyeen in musharaxiinta madaxweynaha laga qaado 30,000 oo dollar, sidoo kalena ay haystaan taageerada ugu yaraan 20 xildhibaan. Si kastaba xildhibaanada ka aysan hadlin qodobka dambe.

- Advertisement -

Read more

Local News