Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya Kharashaadkii lagu degi jiray Hoteelada ku yaalla magaalada Muqdisho, tan iyo markii Xildhibaanada labada Aqal ay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.
Qiimaha lagu dego Hoteelada halkii maalin oo u dhexeysay 50 ilaa 100$ ayaa iminka gaaray 150 ilaa 200$, kadib markii magaalada Muqdisho ay soo buux dhaafiyeen Xildhibaano deegaan ku ahaa Gobolada kuwaasi oo sara qaaday qiimaha Hoteelada.
Weliba qiimahan ayaa ah kaliya hoteelada aan sidaas caanka u ahayn ee Muqdisho looga yaqaan hoteelada heerka labaad.
Xildhibaanada cusub ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay Hoteelada raqiista ah ee lagu jiifan jiray halkii Habeen 20$ kuwaasi oo iminka gaaray ilaa 50$ kadib markii laga soo kala cararay Hoteelada qaaliga xad-dhaafka ah.
Xildhibaanada ay ku adag tahay bixinta dhaqaalahaasi ayaa ku dhiiraday inay kireystaan guryo raqiis ah si ay uga badbaadan dhaqaalaha xad dhaafka ah.
Mushaarka Xildhibaanada ayaa isna ah min 3,000$, waxa ayna taa caqabad ku noqoneysaa in Xildhibaanada si joogta ah u degnaadan Hoteelada.
Si kastaba ha ahaatee, qulqulka Xildhibaanada cusub ayaa saameyn ba’an ku yeelan doona degnaanshiyaha magaalada Muqdisho.

