Xildhibaanada PUNTLAND oo laba garab u kala jabay – Xog

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha wakiilada maamulka Puntland ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf sababay inay noqdaan laba garab oo iska soo horjeeda, kadib ay isku qabteen wax ka bedal lagu sameeyey xeer hoosaadka golahaasi.

Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Jaamac (Axmed Kuluc) oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey waxa sababay in haatan ay  xildhibaanadu labo garab u kala jabaan, kadib wareysi uu siiyey Idaacadda BBC-da.

Kuluc ayaa shaaca ka shaaca in ansixinta wax ka bedalka lagu sameeyey xeer hoosaadka golaha loo maray hanaan baal-marsan sharciga, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aan lasoo marsiin heerarkii loogu-talagalay, sidoo kalena aysan ka doodin xildhibaanada Puntland.

“Waxa aan isku heyno waa sharciyad, Xeer hoosaadka la bedalay waa mid hab qaldan loo maray, Guddiga mooshinka keenay ma saxiixin, lama soo marin Guddiga wax ka badalka sameeyay, lagama doodin oo si sharci darro ah ayaa lagu meel-mariyay” ayuu yiri.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay saameynta ka dhalan karta go’aanka cusub ee la meel-mariyey, wuxuuna hoosta ka xariiqay in xildhibaan walba oo Puntland soo mara uu helayo maamuus gooni ah, balse wuxuu su’aal ka keenay halka dhaqaalaha looga keenayo.

Ugu dambeyn xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in xeerkii hore uu kaliya maamuus siinayey guddoonka, hadase xildhibaanada oo dhan laga dhigay.

“Haddii Xildhibaan weliba oo Puntland soo mara uu helayo xuquuq maamuus halkee ayaa looga keenayaa dhaqaalaha ku baxaya, Xeerkii hore waxa uu hab maamuus siinayay Guddoonka oo keliya balse haddii Xildhibaannada oo dhan laga dhigo dabcan dhaqaale looma helayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan.

Si kastaba, waxaa marar badan banaanka u soo baxay khilaaf ka dhex aloolsan xubnaha baarlamaanka Puntland, waxaana horey u jirtay in mooshin lasoo abaabulay lagu ridday guddoomiyihii hore ee golahaasi Dhoobo Daareed oo ay is qabteen madaxweyne Deni.