Daawo: Hooyo raadineysa gabadheeda oo ay sheegtay in ay ka haysato hay’adda NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa sheegtay in gabadheeda Ikraan Dr. Tahliil Faarax muddo 16 maalmood ah la la’yahay ayna ku tuhemyso hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonkaqaranka Soomaaliya ee NISA.

Hooyo Qaali, oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ayaa sheegtay in gabadhan ay ka shaqeyneysay xafiiskii allaha ha u naxariistee Injineer Yariisow, islamarkaana ay xilli habeen ah raacday gaari u diiwaan gashan dowladda oo la yaqaan, gaar ahaan hay’adda NISA.

Baabuurka gabadha qaaday ayey sheegtay inuu xilli habeen ah, abaare 8-dii, 26-kii June uu ugu yimid gurigeeda, kadibna Ikraan ay qaadatay Labtop ay ku shaqeyneysay.

“Baabuurka wuxuu kasoo galay KM0 iyo Hotel Global dhexdooda, oo ah halka aan degannahay. Intaas dhexdeeda baabuur soo galay waa baabuur la yaqaan, waa baabuur amni ah, waa baabuur gacanka uu soo daayey,” ayey tiri hooyo Qaali.

Hooyo Qaali, ayaa ka codsatay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka cadaaladda ay wax ka qabtaan arrintan, ayada oo intaas ku dartay in kiiskan ay gaysay maxkamadda ciidamada.

Dhinaca kale, warar ay heshay Caasimada Online oo ay ayaa sheegaya inay jirto cabsi xooggan oo la xiriirta inay suurta-gal tahay in Ikraan la dilay, islamarkaana la aasay, sida xubno ka mid ah qoyska ay nala wadaagaan.