25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xildhibaanada sanadkan oo lagu wareersan yahay (Wax walba filo)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ka socda kulamo gaar gaara oo u dhexeeya Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia kuwaa oo lagu doonaayo in waxbadan looga bedelo Siyaasada cakiran ee dalka ka taagan.

Xildhibaanada uu kulanka u dhexeeyo ayaa is weydaarsanaaya cida ku haboon in 4 Sano ee soo socta ay dalka hogaamiso, hadana waxa ay ku kala aragti duwan yihiin Musharaxiinta Miiska u saaran ee laga soo dhex xuli doono Madaxweynaha cusub ee Somalia.

Kulamada Xildhibaanada ayaa waxaa banaan joog ka ah Musharaxiinta Madaxtinima doonka ah si meesha looga saaro shakiga muujinkara in Musharax gaara ay wataan Xildhibaanada.

Xildhibaanada uu kulamada u dhexeeyo ayaa mid waliba taageersan Musharax, gaara hadana waxaa muuqaneysa in kulamada ay si siman uga qeyb galayaan iyadoo kulamadaasi culeyska lagu saarayo inaan la dooran Musharaxiinta aan xilka u qalmin ee taageerada ka helaaya Dowladaha Shisheeye oo Somalia ay ka degi la’ dahay.

Xildhibaan kasta waxa uu u madax bannaan yahay qiimeyntiisa iyo inuu go’aansado Murashaxa uu u arko inuu Codkiisa ugu yaboohi doona maalinta Doorashadda Madaxweynaha, hadana waxaa Kulamada socda mugdi galinaaya Xildhibaano aan ka dhaadhaceynin in dalka la samatabixiyo lana doorto Musharax waxbadan dalka ka bedelikara.

Xildhibaanada qaar ayaa waxaa ka go’an in codkooda ay siiyaan Musharaxa loo maleynaayo inuu badbaadin karo dalka kuwaa oo loogu wanqalay Xildhibaanada isbedel doonka, inkastoo aan la saadaalinkarin isbedelka ku imaan doona mudada lagu guda jiro Doorashada Madaxweynaha.

Sidoo kale, Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ayaa waxaa ku jira damac dhaqaale, waxa ayna ku haminayaan in Musharax waliba ay ka qaatan dhaqaale ay uga baxaan rafaadka heysta maadaama dhaqaalihii ay heysteen ay uga soo gudbeen Doorashada Xildhibaanimo.

Xildhibaanada dalka ayaa waxaa mas’uuliyad ka saaran badbaadinta dalka iyo dadka oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ku jira xaalad kala guur ah iyo inay hogaaminayeen Madaxweynayaal ka shaqeynaaya dantooda gaarka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada labada Aqal ayaa 8 Bishaan u dareeri doona Doorashada Madaxweynaha dalka, waxaana cadaan doonta in daacad nimada Xildhibaanada iyo dabindaabada ay u maleegayaan dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News