Xildhibaannada Soomaalida ee KENYA oo kacay: Qorshaha darbiga Kenya ka dhiseyso xadka oo…

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Bile Keerow oo laga soo doorto magaalada Mandhera ee gobalka Waqooyi Bari Kenya, kana tirsan aqalka odayaasha Kenya ayaa sheegay in ka mudane ahaan aanu raali ka ahayn in darbi laga dhiso xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in fikir la’aan ay tahay qorshaha ku aadan Darbigaan la dhisayo, waxaana uu sheegay in taasi ay caqabad ku noqoneyso isku socodka shacabka degan Labada dhinac.

Sidoo kale Mudane Keerow ayaa sheegay in wax hadda dowladda Kenya ay u sababenayso dhismaha darbigaasi uu yahay amni xumida islamarkaana ay macquul tahay in hadii la dhiso xitaa ay sii socdaan.

“Qorshahaan waa mid wareersan, dowladda cid ay la tashatay malahan, anaga ka deegaan ahaan cid noo timid oo nala tashatay ma jiraan, raalina kama nihin, mana u maleynayo in faa’ido uu keenayo Darbigaasi, waxaana u arkaa talo wareersan’ ayuu yiri Xildhibaanka.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ka dhisayaan darbi, ka dib markii ay xal u waayeen amni xumidda dalkeeda ka taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com