Xoog doofaar lagu ceyrshay: Bashiir Cali Xuseen oo faallo cajiib ah ka qoray federalka Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan

Waa qormo dhab ka hadal ah oo soo gudbineysa fikir ii gaar ah oo aan filayo inuu yahay mid aan xaq u leeyahay soo jeedintiisa, kaas oo oranaya «Soomaaliya federal maaha ee ha ka fogaato fidno faceed ama filkeed ka reebi karta!» dadaalkeeduna yuusan noqon «Xoog doofaar lagu ceyrshay».

Bulshada Soomaaliyeed waa isir wadaag isu wada ehel ah, waa ilmo adeer, waa ilmo abti, waa ilmo habreed, waa isu seeddi iyo dumaashi, waa soddog iyo soddoh uu xididkooda xiriirsan yahay gobollo kasta oo ay ku kala nool yihiinba. Waa Jicsin iyo sahay wadaag wada deeqsi ah oo marti soorka ku wanaagsan. Waa xigto iyo xigaalo is xanbaara marka ay xaajo xumaato ee ay xidid iyo xag jirro kulmaan, xandha iyo xoolana xinjirro la soo garab dhigo. Waa mag iyo qisaas wadaag ay faataxada iyo ducadaba kaafiyaan. Waa sokeeye is jecel oo aan sina u kala maarmin soohdimana loo kala yeeli karin, laakin iminka, waxaa meesha ka muuqata in dadka soomaaliyeed federaal qabyaaladeysan la jecleysiinayo laguna kala fogeynayo, taasoo sharafka iyo magacooda Soomaalinimo lid ku ah, weliba danta guud ee qarannimo iyo waddaniyaddoodana meesha ka saareysa.

“ Xigaba laga xige waranka xanaftiise” Soomaalida sinji ahaan, waxaa ku weyneyd is weheshiga walaalnimo iyo is wax isu tarka waranlaha marka uu shisheeye waxooda damco, maantase taasi ma jirto, waa la kala jeediyay oo madmadow baa jira hiilna isu ma hayaan haddaanay ceymiska qabyaaladdu keenin, maxaa yeelay waxaa lagu kala dilay dabinkii ahaa “Qeybi oo xukun” iyo federal laga soo min guuriyay qowmiyado kala duwan oo aan isir iyo af iyo diinba wadaagin, kaasoo ku tala galkiisu yahay in aysan soomaalidu helin midnimo cududdooda kulmisa.

Maamul goboleedyo in ay dhismaan waxey aheyd rajo wanaagsan, laakin dhammeys baa laga filayee, waxey noqdeen dhicisyo dheel dheellinaya oo ay dhagari ku hoos ka qarsoon tahay, maxaa yeelay, waxey ku dhiirradeen «In qof Soomaali ah dhulkiisa lagu dhex tarxiilo amase loo xiro maxaad halkan u timid darteed iyo weliba handadaadda ah ma iman kartid iyo 24 saac gudahood gobolka uga bax», Intaasi iyo in ka liidataba waa miraha federaalka wax dheef kale oo laga sugayana ma jiree waddaniyadda iyo Soomaalinimada yaan laga dhigin «Xoog doofaar lagu ceyrshay!».

Madaxweynenimada la wada calmaday iyo awoodaha tanaasul la’aanta ah ee la wada sheeganayo sow maaha «Kol un madaxweyne i dhaha» iyo fikir shisheeye oo seefaha isugu dhiibaya shacabka soomaaliyeed, iyada oo bulshada uu shirqoolkaasi u dhigan yahayna qabyaaladda looga dhigay nabad iyo caano horumar lagu gaari karo iyo been ku saleysan tiigsiga barwaaqada iyo soomaaliya oo musuq-maasuqa ragaadiyay hab beeleysan uga baxday federaalkeeduna uu sidaa ku guuleystay.

Khilaafyada hana qaaday ee ka dhashay mashruuca federaaleynta, iyo is jiid jiidka dowladda dhexe, waxey sababeen dib u dhac iyo in ay hey’adaha dowliga ah tallaabo hore u qaadi waayaan, sidoo kale waxaa agaasin iyo maareyn fadhiidnima ah lala dul fadhiistay dhismihii ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed, taasina waxey ka dhalatay feejignaan li’ida dowladda taagta daran iyo ficilada aan faya qabin ee federaalka beeleysan oo ah mid aan fulineyn danta guud ee qaranka, shisheeyana uu farta ugu wada yeero isaga oo fikirkiisa u wada meerinaya.

Intaasi oo dhanba waxaa ka sii darnaan doona oo masiibo sharci la waafajiyay noqon doona guddiga xuduudaha ee dhowaan uu baarlamaanka federaalka ah uu ansixiyay. Is weydiintu waxey tahay «Yaa xuduudaha loo sameynayaa, ma soomaalida ayaa gudaheeda xariiqmo xuduuda ah kala sameysaneysa?». Ku mashquulidda howlaha nuucan ah iyo fikradda federaalka beeleysan waa midda keentay dib u dhaca iyo wax ka qabad la’aanta amaankii dalka, isla markaana fashilisay doorashadii loo ballansanaa in ay dhacdo 2016ka.

Xuduudeynta Soomaalida gudaheeda ah, waxey keeneysaa kala shakin hor leh iyo kala aamin bixid nabadda cirka ku sii laasha ee waa iga talee soomaalida is dhex jooggeeda iyo wada noolaashaheeda ayey dantu ku jirtaaye, yaan leysu qaraareyn oon leysu dacareynin nabadda, shallaayduna waa xaaraane wax garadoow inta aanay wax dhicin wax qabo. Dumarka Soomaaliyeedow sacabka siyaasad ku dara, dhallinyarooy doorkaada qaado. Aqoon yahanoow Tv-yada un ha ka booteynine inteysan belo dhicin badbaadi dalka iyo dadkaaga oo boholaha ka saar, haddii kale cilmi barashadaadu waxey noqoneysaa «Xoog doofaar lagu ceyrshay!» iyo khasaare bar ku ma taal ah oo aan bulshada waxba u tarin!.

Marka aan leeyahay «Soomaali federaal maaha ee yaan loo abuurin fidno faceed ka reebi karta» waxaa suura gal ah in ay dad badan fikraddani igu raacsan yihiin in badanna ay igu diidi karaan oo taasi waa mid xaq loo wada leeyahay, sidaa darteed teyda un sax maaha qof kastaana tiisa un sax maaha ee garaadku ha shaqeeyo, garashaduna ha meel marto.

W/Q: Bashiir Cali Xuseen.

Barbaariye@hotmail.com