Xog: Ururka Ahlu-Suna oo dhagaha ka fureystay dalab kaga yimid dowladda SOMALIA oo ahaa…!

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ururka Ahlu sunna ayaanan dhag jalaq usiinin dowlada Soomaaliya kadib markii laga dalbaday iney si sharuud la’aan ah kusii daayaan wariyaal ay ku xireen magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Ahlu sunna ayaa maanta xukun ku riday wariyashii u xirnaa qaarkood kadib markii lasoo taagay maxkamad ku taala magaalada Dhuusomareeb ee caasimada u ah maamulka Galmudug ee lagu dhisay magaalada Cadaado, kaasi oo dibad joog ka ah magaaladaasi.

Ku dhawaad seddex wariye ayaa la sheegay in maxkamada Ahlu sunna ee magaalada Dhuusomareeb ay ku xukuntay min labo bilood oo xabsi ah, sida wariyaasha magaalada Dhuusomareeb ay sheegayaan, waxaana wariyaasha la xukumay ay kala yihiin:-

1-Wakiil Wareedka Radio Kulmiye ee Gobolka Galgaduud C.llaahi Warsame Roobe

2- Wakiil Wareedka Idaacada Bar-kulan ee Gobolka Galgaduud Cabdi Jamaal Macalin

3-Wakiil Wareedka Tv-ga Horn Cable Bashiir Maxamed Salaad.

4-halka la siidaayay Wariye Leylo Nuur Cilmi oo kamid aheyd Wariyaasha Maxkamadda Ahlusunna ka soo muuqday.

Labo maalin ka hor dowlada Soomaaliya ayaa Ahlu sunna ka dalbatay iney si sharuud la’aan kusii daayaan wariyaasha, walow labo gabdhood oo wariyaasha kamid ahaa lasii daayay.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com