Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Xarunta Madaxatooyada Somalia, ayaa sheegaya in halkaasi ay saaka aroortii kusii qulqulayeen xildhibaanada taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Ujeedka ay Villa Somalia u gaarayaan ay tahay inay wada tashi halkaasi kula qaatan Madaxweyne Xasan inta ka harsan wakhtiga ulanka baarlamanka uu furmayo.
Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan uu ballamo adag la dhiganaayo Xildhibaanada, waxa uuna ku dhiiragalinayaa inay xooga saaran sidii ay guulo ugu soo hoyin lahaayen arrinta Mooshinka.
Arrintan ayaa waxa ay imaneysaa ayada oo ay jiraan walaacyo ku saabsan in laga yaabo in xildhibaanada qaar ay beddelaan maskaxdooda.
Sidoo kale, ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed ayaa isna la sheegayaa in saaka uu qaabilay tiro xildhibaano ah.
Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu furmi doono kullankii baarlamanka ee qeybinta Mooshinka, oo ka doodistiisa ay billaaban doonto.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]