32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

XOG: C/Weli oo xildhibaano lagu siray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed uusan haysan tirada uu rumeysan yahay inay taageersan yihiin ee xildhibaanada ah.

Xidlhibaan codsaday inaan magaciisa la shaacin, oo xog xasaasi ah siiyey Caasimada Online ayaa sheegay inay jiraan xildhibaano badan oo muujiyey inay taageero u yihiin Cabdi Weli, balse xaqiiq ahaan la safan madaxweynaha.

“Waaa jira xildhibaano lagu siray ra’iisul wasaaraha, waxaadna arki doontaa xaqiiqda dhabta ah marka codka kalsoonida loo qaado Cabdi Weli” ayuu yiri xildhibaanka.

Isaga oo sharxaya arrintan, ayuu xildhibaanka waxa uu sheegay in qorshahan uu yahay mid laga soo dejiyey Villa Somalia, oo ujeedka ka dambeeya uu yahay sidii ra’iisul wasaaraha loo ridi lahaa.

“Markii kooxda raacsan Cabdi Weli ay ka socon waayeen kulamadii baarlamanka, ayaa la dejiyey qorshe ah in xildhibaano badan loo jebiyo dhankooda, si ay ugu qaataan inay heystaan codad ku filan, oo ay u aqbalaan kullanka baarlamanka, waana ay dhacday” ayuu yiri xildhibaanka.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa warbaahinta waxa ay werineysay in xildhibaano taageersanaa madaxweynaha ay u jabeen dhanka ra’iisul wasaaraha. Arrintan ayaa haddii ay run noqoto, waxa ay noqon doontaa siyaasad yaab leh, oo kooxda ra’iisul wasaaraha ka hoos baxday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News