Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee ku dhawaaqay inuu mushaarkiisa u jarayo ciidamada Puntland, oo haatan dagaal adag kula jira kooxda argagixisada ah ee Daacish.
Xildhibaan Warsame ayaa xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay gacan ka geystaan taakuleynta ciidanka Puntland ee dagaalka kula jira Daacish, xilli uu maamulka Puntland sameeyay sanduuq lagu garab istaagayo ciidanka.
“Bil mushaarkayga ah ayaan ku deeqay, waxaanan ku dhiirrigelinayaa labada Gole ee Baarlamaanka inay gacan ka geystaan taakuleynta naftood-hurayaasha difaaca dalkeenna iyo diinteenna u halgamaya,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.
Waxa uu intaas ku daray: “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa ka qayb-qaadashada taakulaynta ciidanka naftood-hurayaasha ah ee la diriraya cadowga argagixisada ah ee dalkeenna ku soo duulay.”
Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada ciidanka Puntland ayaa sameeyay “sanduuqa taakuleynta ciidanka Puntland,” iyagoo guddiga soo bandhigay akoonnada taakuleynta ee ciidanka lagu garab istaagayo.
Guddiga taakuleynta ayaa ballan qaaday inay si daah-furan bulshada ula wadaagi doonaan taakuleynta ciidanka lasoo gaarsiiyo, taas oo bulshada ugu muujinaysa in gacan aamin ah ku dhacayo dhaqaalaha loogu talagalay ciidamada dagaalka ku jira.
Dagaalka ka dhanka Daacish ayaa haatan maraya meel wanaagsan, iyadoo wejigii koowaad ee dagaalka laga gaaray guullo wax ku ool ah, isla markaana kooxda laga saaray deegaanno dhowr ah, halka looga laayay maleeshiyaad badan.