TRUMP oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta la heystayaasha Israel

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Isniintii shalay sheegay in haddii aan la soo deyn la haystayaasha Israa’iil ee lagu hayo Gaza duhurnimada Sabtida soo socota, uu soo jeedinayo in la baabi’iyo heshiiska xabbad-joojinta ee Israa’iil iyo Xamaas.

Trump wuxuu sheegay in haddii ay taasi dhici waayaan, ay jiri doonto cadaab daran, isaga oo intaasi ku daray in go’aanka ugu dambeeya uu leeyahay Israa’iil.

“Haddii aysan halkaan joogin, dhammaan cadaabta ayaa la fasixi doonaa.” Mar la weydiiyay in Mareykanku uu ka qayb qaadan doono tallaabo lagaga jawaabayo Xamaas haddii aysan soo deyn la haystayaasha, ayuu Trump yiri, “Xamaas way ogaan doontaa waxa aan ula jeedo.”

Hadalka adag ee kasoo baxay Trump ayaa yimid saacado kaddib markii ay Xamaas shaacisay shalay in ay dib u dhigayso sii deynta la haystayaasha gacanteeda ku haray.

Xamaas ayaa ku eedeysay Israa’iil in ay jebisay heshiiska xabbad-joojinta ee saddexda toddobaad jiray, gaar ahaan in ay Falastiiniyiinta u diidday dib ugu laabashada qaybo ka mid ah waqooyiga Gaza iyo in ay toogasho iyo duqeymo u geysatay Falastiiniyiinta Gaza.

Ma jiro wax war ah oo arrintan ku saabsan oo weli kasoo baxay kooxda Xamaas oo ku aaddan tallaabada uu qaaday Madaxweyne Donald Trump.