Baarlamaanka KUWAIT oo la kala diray + Sababta

Kuwait (Caasimada Online) – Dowladda Kuwait ayaa maanta qaaday tallaabo culus, waxayna kala dirtay dhammaan xildhibaannada golaha baarlamaanka ee dalkaas, si looga baxo qalalaasaha siyaasadeed ee curyaamiyey howlaha dawladda ka arrimisa dalka Kuwait.

Dhaxal-sugaha boqortooyada waddanka Kuwait ayaa sidoo kale ku baaqay in la qabto doorashooyin guud oo wakhtigoodii laga soo hor mariyey.

Khudbad uu ka jeediyey telefiishanka dowladda ayuu Sheekh Meshal al Ahmed oo 81 jir ahi ku sheegay in qoyska talada hayaa ay ixtiraamayaan dastuurka dalka Kuwait ee awoodda badan siinaya baarlamaanka dalkaas, ayna tahay in talada dib loogu celiyo shacabka si ay u muujiyaan rabitaankooda.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay inay shacabka is dajiyaan, isla-markaana ay ilaaliyaan xasiloonida iyo sidoo kale midnimada reer Kuwait.

Golaha wasiirada ee dalkaas ayaa laba bilood ka hor isku casilay ka dib khilaaf ka dhex curtay golaha baarlamaanka, taasoo curyaamisay shaqadii dawladda.

In ka badan 12 xildhibaan oo reer Kuwait ah ayaa todobaadkii hore ka bilaabay xarunta baarlamaanka olole ay ku doonayaan in la soo dhiso xukuumad cusub.

Si kastaba, xaaladda cakiran iyo qalalaasaha siyaasadeed ee haatan ka taagan waddanka Kuwait ayaa sababay dhaqaale xumo taabatay guud ahaan nolosha dalkaasi Carbeed.