Maamulka Koonfur Galbeed oo durba mucaarad xooggan yeeshay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ee ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa si weyn uga soo horjeestay qorshaha maamulka Koonfur-Galbeed oo maanta looga dhawaaqay Baydhabo.

Xildhibaann Prof Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ayaa weerar ku qaaday guddoomiyaha golaha baarlamaanka Jawaari, kaasoo maamul-gobaleed u soo dhisay beelaha uu ka soo jeedo, isagoona intaas ku daray in Digil iyo Mirifle ay been ka sheegeen in maamulkaas ay taageersan yihiin xildhibaannada iyo dadka ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose.

Dalxa ayaa cadeeyay in wax yaabaha uu u tagay guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya markii hore Baydhabo uu ahaa siddii ay kulamo ula qaadan lahaayeen wax-garadka iyo odayaasha ka soo jeeda Baay iyo Bakool, balse wuxuu yiri markii uu Baydhabo tagay in uu bilaabay in qabiilkiisa uu maamul u sameeyo kuwaasoo lix gobal sheeganaya.

Wuxuu ku cel-celiyay in shirkii ka dhacay Baydhabo ee lagu dhisay maamulka Koonfur-Galbeed aysan waxbo kala socon, isla markaana aysan ku jirin maamulkaas oo ay ka madax bannaan yihiin.

Hadalka guddoomiye ku-xigeenkii hore ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, Dalxa ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay looga dhawaaqay maamulka Koonfur-Galbeed ee Somalia.

Maamulkan ayaa la sheegay in uu ka arrimin doono gobalada Baay, Bakool, Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com