25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed oo laba garab u kala jabay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Beydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Xildhibaanada baarlamaanka maamulka ay labo u kala jabeen.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Xildhibaanada ay ku kala jabeen ansixinta wasiirada cusub ee uu dhawaan magacaabay Hogaamiyaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanada diiday ansixinta Wasiirada ayaa sheegay in Hogaamiyaha maamulka uu uga baxay ballan ay wada galeen, sidaa aawgeedna aysan ansixin doonin Wasiirada.

Xildhibaanada taageersan magacaabida Wasiirada ayaa sheegay inaan loo hakan doonin dhigooda diidan ansixinta Wasiirada, isla markaana ay meel marin doonaan Wasiirada.

Waxa ay tilmaameen qaarkood in ay muhiim ahayd in marka hore Shariif Xasan uu Magacaabo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Koofur galbeed.

Hogaamiyaha maamulka ayaa tirro Xildhibaano ah uga baxay ballanka oo ahaa inuu ka dhigi doono Wasiiro iyo ku-xigeeno, waxaase muuqata in ballan ka bixida ay sabab u noqotay khilaaf kala jabshay Xildhibaanada.

Geesta kale, Hogaamiyaha maamulka ayaa wada dadaalo lagu qancinaayo Xildhibaanada uu ballanta uga baxay ee diidan ansixinta Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Beydhabo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News