Xildhibaannadii waday mooshinka oo looga yeeray Nairobi (Is-beddel cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – War gaar ah oo goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in xildhibaanada taageersan Xasan Sheekh ee mooshinka wada qaarkood looga yeeray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, xildhibaanada ayaa waxaa u yeeray qaar ka mid ah safaaradaha ay dalalkooda ka haystaan dhalashada ee Nairobi.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in safaaradaha u yeeray xubnaha ay ka mid yihiin kuwa dalalka Mareykanka, Canada, UK, Norway iyo kuwa kale oo reer galbeedka ah.

In kasta oo ujeedada loogu yeeray lagu sheegay wada-tashi, haddana xubno xog-ogaal ah waxa ay sheegayaan in sababta ay tahay in lagala hadlo sidii ay u joojin lahaayeen mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dalalka beesha caalamka, ayaa dhowr mar isku dayey inay madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlaan inuu joojiyo mooshinka ka dhanka ah Cabdi Weli, hase yeeshee waa ay ku guul darreysteen, waxaana iminka muuqata faara-gelin toos ah.

Marka xildhibaanada qaarkoood ay tagaan Nairobi, oo ay la kulmaan safaaradaha dalalka ay baasabooradooda haystaan, waxaa la filayaa in si rasmi ah loogu sheego inay faraha kala baxaan khilaafka Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli.

Arrintan ayaa dhabar-jab weyn ku noqon karta mooshinka yaalla baarlamanka, ee ka dhanka ah Cabdi Weli. Si kastaba, haddii codka mooshinka noqdo mid qarsoodi ah, waxaa weli u suurta gali karta xildhibaanada inay ridaan ra’iisul wasaaraha ayaga oo aanay ogaan safaaradahooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com