Wiil iyo aabihii oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Aabe iyo wiil uu dhalay, ayaa waxaa goor dhow lagu dilay wadada Macalin Nuur ee Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir, iyadoo ay dilkoodu geysteen dabley hubeysan oo la socotay gaari NOAH ahaa.

Labada nin ee la dilay oo la socday gaari Kaarib ahaa, ayaa waxaa lagu horgooyay gaariga kale ee NOAH, iyadoona ay rasaas aan loo meel dayin daaqadaha gaariga kaga soo furayn dableydii hubeysneyd.

Dhawaqa rasaasta, ayaa waxaa ku soo baxay Ciidamada Militariga ee ka hawlgala Isgoyska Ex Control Afgooye, inkastoo ay wadada Macalin Nuur soo gaareen, xilli ay baxsadeen dableydii weerarka fulisay.

Aabaha la dilay, ayaa waxa uu xirnaa dareyska Ciidamada Dowladda, iyadoo loo maleynaayo in uu ka tirsan yahay Saraakiisha Ciidanka Dowladda, inkastoo aan la aqoon waxa ay darajadiisu tahay.

Ilo madax banaan, ayaa sheegay in Sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray Daahir Yoonis, isla-markaana uu ka tirsanaa Wasaarada Qorsheynta Somaliya.

Weerarada loo adeegsado gawaarida, ayaa toddobaadkaan si weyn looga dareemay Magaalada Muqdisho, waxaana labadii cisho ee ugu dambeysay dilal looga geystay Magaalada Muqdisho.

Shalay waxaa Degmada Wadajir oo mataano la ah Dharkiinley lagu dilay Gudoomiye Ku Xigeenkii Degmada Hawlwadaag ee Dhinaca Arrimaha Bulshada Yuusuf Nuur Hilaal.

Sidoo kale Talaadadii, ayaa waxaa weerar loo adeegsaday gaari NOAH lagu dilay Taliyihii Waaxda Socdaalka Duulimaadyada ee Garoonka Aadan Cadde, Maxamuud Cabdi Cadow (Dhabarey).

Weeraradaan, ayaa waxay ku soo aadayaan, xilli Nabad Suggida iyo Booliska hawlgalo ka dhan ah amni darada ka wadaan Magaalada Muqdisho.

Isha dhacdo