Xasan oo mar kale beesha caalamka u sheegay mowqif adag iyo wasiiro uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Xarunta Madaxtooyada, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xssan Sheekh uu Beesha Caalamka mar kale u caddeeyay Mowqifkiisa ku aadan Xal ka gaarida Khilaafka kala dhexeeya R/W C/Weli Sheekh Axmed.

Xasan oo Xafiiskiis maanta ku qaabilay Xubno ka tirsan Beesha Caalamka, ayaa waxa uu u sheegay in Mowqifkiisu yahay inuusan wada hadal la qaadan doonin R/W C/Weli oo uu Khilaaf adag kala dhexeeyo.

Xasan ayaa la soo sheegayaa in Xubnaha Beesha Caalamka uu ku wargaliyay inuu ku qanacsan yahay in isaga iyo Ra’isul wasaare C/weli lagu kala saaro Baarlamaanka oo aan Wakhti dambe lagu lumin xalinta Khilaafka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Xubnaha ku wargaliyay inuu ka rajo dhigay la shaqeynta R/Wasaaraha Somalia, waxa uuna taa badalkeeda ku adkeesanayaa in meesha uu ka baxao, halka R/Wasaaraha uu isna rabo in uusii joogo xafiiska.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu kulankiisa kadib xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiro iyo Xildhibaano garabkiisa ah waxa uuna kala hadlay Go’aanka uu ka qaatay R/W C/weli iyo Fashilka ka dhashay rajadii laga filaayay in Beesha Caalamka ay xal ka gaarto Khilaafka.

Waxa uu garbihiisa ku dhiiragaliyay inay sii laba jibaaraan dadaalada ay ku riixayaan Mooshinka ka dhanka ah R/W C/weli Sheekh Axmed.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan, Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa la soo warinayaa inay go’aan ku gaareen in lasoo xiro galiyo Xildhibaanada ka harsan garabkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com