Xildhibaanada taagersan Cabdi Weli oo dil loogu hanjabay (Yaa u hanjabay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Barre oo ka mid ah xildhibaanada ka horjeeda mooshinka laga gudbiyay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheikh oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hanjabaad ay kala kulmeen gudoonka Baarlamaanka oo ka danbeeyay sida uu sheegay markii ay ka hor yimaadeen mooshinka.

Xildhibaanka ayaa xusay in nasiib daro ay tahay inay la kulmaan hanjabaadyo,maadaama uu sheegay inay muujiyeen fikirkooda ay ka qabaan mooshinka laga keenay Cabdi Weli Sheekh.

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa carabka ku dhiftay in gudoonka Baarlamaanka hal dhig wax loogu sheegay oo ah inuu aqbalo mooshinka laga gudbiyay ra’iisal wasaaraha, isagoona dhanka kale sheegay in xildhibaanadii ka hor yimid aarahdooda aan la dhigeysan.

Wuxuu ku tilmaamay mooshinka inuu yahay mid siyaasadeysan,islamarkaana aan ku dhisneyn sharci.

Maalintii talaadada ayay ahayd markii xildhibaanada kulan buuq iyo sawaxan ku soo idlaaday ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo wax yar ka dib hadlay ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay isdejiyaan,islamarkaana ay la xisaabtami doonaan xildhibaanadii ka danbeeyay buuqa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com