Xasan & Jawaari oo amaro ka dhan ah xildhibaannada siiyey taliska Booliska

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan iyo Gudoomiye Jawaari ay kulan xasaasi ah la qaaten Taliska iyo Saraakiisha Ciidamada Boliska DF Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ujeedka kulanka uu ahaa mid Taliska lagu siinaayay Amar ah inay u fasaxan yihiin xariga iyo laxisaabtanka Xildhibaanada foodada wada, waxaana la sheegay in amarkaasi uu dhaqan gali doono xiliga uu qabsoomi doono kulanka labaad oo ay isugu imaan doonaan Golaha Baarlamaanka.

Amarka kasoo baxay Labada Mas’uul ayaa la sheegay inuu saameyn doono Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinada lagu kala saarayo Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli Sheekh, gaar ahaan kuwa u tafa xeydanaaya Foodada looga soo horjeedo Mooshinka ka dhanka ah R/W C/weli.

Amarkaani la siiyay Taliska ayaa waxaa kasoo horjeeda Wasiiro iyo Xildhibaano kuwaasi oo sheegay in arrintaasi ay sababi karto Colaado dhexmara Baarlamaanka iyo Laamaha Ammaanka.

Lama Oga Ujeedka laga damacsan yahay Amarka xasaanada looga qaadayo Xildhibaanada, inkastoo Mas’uuliyiinta qaar ay qabaan in Arrinta Mooshinka la xiriirto lagu dhameeyo xeer hoosaadka u yaala Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com