Xildhibaannaadii raacsanaa C/WELI oo kala jabay (Kuwii Hawiye oo gooyey)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee la safan Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxa ku kala yaaceen kulan ay shalay gelinkii dambe ku lahaayeen Hotel Al Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Tani, ayaa waxay ka dambeysay markii Wasiirada iyo Xildhibaanada Beelaha Hawiye ee Ra’iisal Wasaaraha taageersan qaarkood, aynaan soo xaadirin kulanka, taa oo keentay in Xildhibaanada kale ee ku dhow dhow Ra’iisal Wasaaraha ku wargeliyaan.

Xildhibaanada Ra’iisal Wasaaraha ku heybta ah iyo tiro yar oo ka mid ah kuwa Beelaha Hawiye, ayaa hadalo isu weydaarsaday madasha, markii Xildhibaanada ku heybta ah Ra’iisal Wasaaraha ay kuwii Hawiye ku dhaliileen inaan la aamini karin.

Buuq iyo sawaxan ay ka sameeyeen Hotelka Al Xayaat, ayaa waxay soo dedejisay inay ku kala taggaan halkaasi, sida ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg iyo Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, oo si dhow loola xiriiriyo garabka Ra’iisal Wasaaraha, ayaan soo xaadirin kulankii ay Xildhibaanada iyo Wasiirada la safan Ra’iisal Wasaarahaha ku laheyd Al Xayaat Hotel.

Lama garanaayo waxa keenay in masuuliyiintaan ka baaqsadaan kulanka xubnaha la safan Wasiirka 1-aad ee Xukuumadu Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed ku lahaayeen Al Xayaat Hotel.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa si weyn ugu dhex milmay khilaafaadka xargaha goystay ee ka dhex aloosan Madaxweynaha Dowladda iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada, oo khilaafkoodu uu soo shaax baxay 25-kii bishii hore ee October.