Xasan Sheekh oo wada qorshe shirka COPENHAGEN lagu joojinayo, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wado qorsho uu ku dalbanaayo in dib loo dhigo shirka hiigsiga cusub ee Copenhagen.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Xasan Sheekh uu arrintaasi kala hadlaayo Beesha Caalamka, isagoona Cudurdaar ka dhiganaaya Khilaafka ka dhex taagan madaxda Dowladiisa.

Sidoo kale arrintaani ayaa la sheegayaa inay ka dambeysay kadib markii Madaxweyne Xasan iyo C/weli Sheekh uu mid waliba diiday inuu shirka ka qeybgalo iyadoo taasi ay muujineyso in midba midka kale uu il gaar ah isaga fiirinaayo.

Labada nin ayaa rumeysan in haddii ay u baxaan shirkaas ay weyn karaan ama laga jiidan karo qaar ka mid ah xildhibaanada taageersan.

Inkasta oo Xasan uu qorshahan ka fakarayo sida ay sheegayaan xubno ku dhow, haddana ma cadda inuu si rasmi ah ugu dhaqaaqi doono. Sidoo kale lama oga in caalamku aqbali doono, haddii uu ku dhaqaaqo go’aankaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com