Jawaari oo shaaciyey tallaabada laga qaadi doono xildhibaannadii fowdada

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii dorraad buuq iyo fowdo aawgeed uu u baaqday kulan Barlamaanku uu kaga doodi lahaa Mooshinkii ka dhanaka ahaa ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekha Gudoomiye Jawaari waxa uu sheegay in xildhibaanadii Fowdada bilaabay la marsiin doono waxa uu xeer hosaadka Barlamaanku ka qabo.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in uu dib u bilaaban doono kulamadii Baarlamaanka, lana xalin doono wixii dhacay, islamarkaana aysan dib usoo laaban doonin.

“Baarlamaanka wuxuu lee yahay xeer hoosaad, cidii ku xad gudubtana waxaa la marinayaa arrimaha sharciga ah ee Barlamaanka u degsan” Ayuu yiri Gudoomiyaha Barlamanka Somalia.

Ugu dambeyn shacabka Somaliyeed ayuu ugu baaqay in ay is dajiyaan islamarkaana aysan dhibaato u arkin arrintii Baarlamanka ka dhax dhacaday taas oo uu ku tilmaamay mid Baarlamaanada adduunka xitaa ka dhacda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com