Muqdisho oo eedsaneysa Ilma-Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid sii xumaanaya xili madaxda Dowladda ay ku muransan yihiin arrimaha siyaasadda iyo awooda xukunka, waxaana Magaalada siyaabo kala duwan uga dhacay Qaraxyo iyo dilal qorsheesan oo loo geestay dad rayid ah iyo kuwa Dowladda u shaqeeya.

Dorraad Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay labo Weerar oo mid kamid ah la doonayay in lagu dilo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ,inkastoo uu weerarkaasi ka badbaaday xildhibaanka hasa yeeshee lagu dilay labo nin oo midna darawal u ahaa Xildhibaanka midna ilaalo u ahaa.

Weerarka kale ayaa dorraad lagu dilay Taliyihii Waaxda Socdaalka ee garoonka Aadan Cadde Marxuum Maxamuud Cabdi Caddow “Dhabareey”.kadib markii ay kooxo hubeesan Rasaas Culus ku fureen Gaari uu watay xili uu marayay Isgooska KM-4 ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale saakay Magaalada Muqdisho ka dhacay Weerar la qorsheeyay kaa oo lagu dilay Gudoomiye kuxigeenkii Dhinaca Arimaha Bulshada ee Maamulka Degmada Howl-Wadaag Yuusuf Hilaal.

Sadaxdan Weerar ayaa dhamaantooda ahaa mid isku nuuc u dhacay, waxaana fuliyay kooxo hubeesan oo gawaari watay kuwaa oo gaariga ay wataan ku horjarayay gawaarida ay wateen Masuuliyiintan kadibna rasaas ku furayay.

Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya ayaan wali ku guuleesan in dad u soo qabtaan dhamaan weearardii ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho , waxa ayna sheegeen saraakiisha laamaha amaanka in ay wadaan baaritaano ayna soo qaban doonaan dambiilayaasha dilalka geestay.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid sii xumaanaya , waxaana dhamaan goobaha ay ka dhaceen weerarada iyo dilalka qorsheesan gacanta ku haya amaankooda Ciidamada Dowlada, kuwaa oon ku guuleesan in ay kahor tagaan weeraradaasi ama ay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay.

Tan iyo markii uu soo shaac baxay Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha Soomaaliya waxaa sii xumaanayay amaanka Magalaada Muqdisho , waxaana siyaabo kala duwan caasimada uga dhacay Dilal qorsheesan iyo Qaraxyo.

Wasiirada iyo Saraakiisha howlaha amaanka ku shaqada leh ayaa la sheegayaa intooda badan in ay ku mashquuleesanyihiin Siyaasada hada jirta iyo khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha, waxaana meesha ka baxday inta badan shaqooyinkii Dowlada taa oo saameyn ku yeelatay Khilaafka taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com