Xog: IGAD oo ku fashilantay inay xal u hesho Khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Urur Goboleedka IGAD ay ku guul darreysteen xal ka gaarista Khilaafka baahsan ee Xiligaani ka dhextaagan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo R/W C/weli Sheekh Axmed.

Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa horay looga bartay inay aad ugu dhexjirto Siyaasada Somalia saameyn ballaarana ay ku leedahay hab usocodka siyaasada Somalia.

Tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafkan IGAD waxa cadaadis siyaasadeed ah ma saarin labada Mas’uul marka laga reebo wakiilka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Affey oo isku dayay in labada nin uu dhex dhexaadiyo balse ku fashilmay.

Sidoo kale, Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa looga bartay in marka khilaaf yimaado siyaasiyiinta Soomaaliyeed Addis Ababa la geeyo shirna loo qabto kadibna halkaas laga soo saaro warmurtiyeed qodobaysan oo markaas lagu xalinayo arinta taagan.

Khilaafka hada taagan Ethiopia oo bud dhiga u ah IGAD way ka gaabsatay sidoo kale waxaa ka gaabsaday wadamada ciidamadu ka joogaan Somalia kuwaas oo arinta kor ka eeganaya marka laga soo tago suurtagalnimada in dowladahani ay daaha gadaashiisa ka wadaan xiriiryo diblomaasiyadeed oo la xiran Khilaafka labada nin.

Dhanka kale, waxa ay Arrintaani muujineysaa in markan IGAD ay ku jirto xaalad fashil oo kasoo wajahaaya dhanka Labada Mas’uul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com