Saameynta Khilaafka Xasan iyo C/Weli uu ku yeelan karo fursado dahabi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ka tirsan DF Somalia, ayaa sheegay in Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xassa iyo R/W C/weli uu yahay mid dayacay fursado dahabi ah.

Siyaasiyiintaasi ayaa waxaa kamid ah Cabdi Xaashi Cabdirisaaq waxa uuna sheegay in Khilaafka labada Mas’uul uu sababay in DF Somalia ay lumiso fursado badan oo dalka usoo socday.

Sidoo kale, waxa uu Siyaasigu sheegay in Khilaafka labada Mas’uul uu Culeys adag ku keeni karo hanashada Fursadaha Somalia ay ka heli laheyd hiigsiga 2016-ka, waxaana uu Cabdi Xaashi Cabdirisaaq tilmaamay in caalamka ay sidoo kale arrintaani niyad jab u keeni doonto, sida uu hadalka u dhigay

Cabdi Xaashi Cabdirisaaq oo Su’aal laga weydiiyay aragtidiisa ku aadan mooshinka ka dhanka ah R/W C/weli Sheekh Axmed ayuu sheegay, in midaasi ay tahay fursad lumin, hadda iyo kowna Ra’iisul wasaare kale la raadiyo, balse waxa uu soo dhaweeyay xildhibaanada qaba aragtida ah in wax walbo wada hadal lagu dhameeyo.

Dhanka kale, Cabdi Xaashi Cabdirisaaq waxa uu ka digay in ficiltanka ka dhexeeya Xassan iyo C/weli uu sababo in Somalia ay dib ugu laabato Burburka iyo buunbuuninta Qabyaaladihii laga soo gudbay, waxa uuna Madaxda dalka ugu baaqay in ay xaliyaan khilaafkooda, Soomaaliyana aysan hadda ka lumin furasado qaali ah oo hadda taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com