“Xasan Sh. uma soconeyso faragalinta dastuurka iyo Xafiisyada” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Bare oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka DF Somalia ayaa daboolka ka qaaday in Khilaafka Xassan iyo C/weli uu yahay mid laga damacsan yahay in dalka dib loogu celsho dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Waxa uu Tilmaamay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu doonayo inuu howlaha dalka oo idil gacanta ku qabto, waxa uuna Cadeeyay in R/W C/weli uusan xor u aheyn shaqooyinka xafiiskiisa.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ”Haddii uu marba Xassan isku dayaayo inuu xafiis waliba howshiisu qabto, taasi cidna uma dulqaadan karto in muddo ah ayan u sabarnay waxaa naga dhamaaday sabarka”

Waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa ”Ujeedka aan u difaaceyno R/W C/weli waxaa koow ka ah faragalinta qaawan ee uu Xassan ku hayo dastuurka iyo qaabka qaldan uu doonaayo inuu u maamusho shuruucda dalka u degan”

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdi Bare ayaa waxa uu ka digay in Xildhibaanada qaar ay is moogeysiiyaan xaqiiqda dhabta ah, wuxuuna Tilmaamay inaysan u dulqaadan doonin in la baalmaro dastuurka.

Dhanka kale, waxa uu Xassan Sheekh ugu baaqay inuu joojiyo Mooshinada Khilaafka sii hurinaayo ee uu kasoo abaabulaayo Madaxtootada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com