Xildhibaannadii buuqa dhaliyey oo in maxkamad la soo taago lagu baaqay!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya buuq iyo foowdo ay ka dhex-bilaabeen kulan Baarlamaanka Soomaaliya shalay uu ku lahaa Magaalada Muqdisho, ayaa siyaabo kala duwan buuqaasi waxaa uga hadlay indheergaradka Muqdisho ee siyaasada sida weyn ula socda.

Maxamed Ismaaciil oo kamid ah Odayaasha ku nool Magaalada Muqdisho, ayaa ku tilmaamay shalay wixii ka dhacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya inay tahay wax aad looga xumaado oo aan la aqbali karin.

Waxa uu sheegay in dambi qaran ay tahay buuqii iyo fowdadii ay sameeyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee diidanaa mooshinka laga keenay Xukuumadda, isaga oo intaasi hadalkiisa ku daray in taariiq xun oo usoo hooyatay Baarlamaanka hada jira ay tahay.

Maxamed Ismaaciil oo waxgaradka Muqdisho kamid ah, ayaa sidoo kale ku waramaayo in meesha ay ka baxday oo ay luntay kalsoonidii shacabka ay ku qabeen Xildhibaanada hada shaqeeya oo lagu tiriyo inay yihiin aqoonyahano, shacabka inay samatabixiyaan laga rabo.

“Waxaa dhuntay oo meesha ka baxday kalsoonidii shacabka ay ku qabeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale waxaa dhuntay aaminadii Beesha caalamka ee Baarlamaanka ay ku qabeen waa kalsoonidaro weyn”Ayuu yiri Maxamed Ismaaciil oo la hadlay Idaacada Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn wuxuu ka codsaday Hay’adaha Garsoorka dowladda Federaalka Soomaaliya in maxkamad lasoo taago Xildhibaanadii ka dambeeyay buuqa iyo sawaxanka shalay ka dhashay kulankii Baarlamaanka ee ugu dambeyn buuqaasi dartiis loo soo xiray.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay u dhaqmay si la yaab leh, kadib markii ay ilooween dantii umadda Soomaaliyeed ay u hayeen, ayna udhaqmeen si aan aheyn masuuliyiin qaran.

Isha dhacdo