Jawaari oo caalamka u gudbiyey arrin ka turjumeysa colaada Xasan & C/Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Xukuumada Somalia ayaa inoo xaqiijiyay in Gudoomiyaha Baarlamaanka DF Somalia Maxamed Sheekh Cusman Jawaari uu Beesha Caalamka u gudbiyay warqado ka turjumeysa heerka uu gaarsiisan yahay Khilaafka Labada Mas’uul iyo kaalinta uga aadan.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Jawaari uu Beesha caalamka Ogeysiiyay in xiligaani iyo wixii ka danbeeya uusan wax ka qaban karin Khilaafka Xasan iyo C/weli kadib markii uu cadeeyay mowqifkooda inuu yahay mid adag islamarkaana u muuqda inuusan xalis meynin Wakhti dhow.

Gudoomiyaha ayaa la sheegayaa in warqad qoraal ah uu gacanta u galshay Mr Kay oo isagu u taag waayay xal ka gaarida Khilaafka, inkastoo ay warar hoose sheegayaan in Kay uu warqadaasi isna u gudbiyay Wakiilada Caalamka ka jooga Muqdisho gaar ahaan kuwa ku sugan Xarunta Xalane waxa uuna xalkeedu yahay mid iyaga laga sugaayo.

Dhanka kale, Beesha Caalamka ayaa iyana qaati ka taagan xalinta Khilaafka waxa ayna u muuqaneysaa mid aan xalkeeda iminka dhaweyn, inkastoo go’aanka uu yahay mid xiligaani gacanteeda ku jira.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com