Xildhibaanno raba in xilka laga qaado wasiir u shaqeeya hal beel oo kaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa  ka hadlay shirkii  maalgashiga ee dorraad (10 June, 2014) ka dhacay Stockholm Sweden, waxaana xildhibaankan oo u waramayey Shabakadda Yoobsannews.com uu ku nuuxnuuxsaday in dowladda Soomaaliya aaney wax wefdi ah u dirin shirkaas, balse uu si shaqsiga ah kaga qeybgalay wasiirka qorsheynta Siciid C/llaahi Daani.

Xildhibaan Xassan C/qaadir wuxuu tilmaamay  in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay wadaan qorshe lagaga codsanayo Wasiir C/llaahi Daani inuu baarlamaanka horyimaado, si wax looga weydiiyo in isaga oo aan wax ruqsad ah ka qabin R/wasaaraha inuu shirkaasi tegay iyo  haddii isaga & R/wasaaruhu ay isla ogaayeen.

“Baarlamaanku wuxuu doonayaa inuu helo jawaabta ah; Wasiirka ka qeybgalay shirka Sweden ma Puntland buu wakiil ka ahaa mise dowladda.?” Ayuu yiri Xildhibaan Xassan.

Xildhibaan Xassan wuxuu intaa ku daray in sababaha ay dowladdu u qaadacday shirkaasi in ey aheyd dowladda Sweden oo garab martay dowladda Soomaaliya, halkii ay dowladdu wax ku yeelan laheyd tallada ka soo qeybgalayaasha kulankaas in wasaaradda arrimaha dibedda Sweden casuuntay xubno ka kala socday maamulada Puntland & Jubba-land, tillaabadaasi waxeey dowladdu u aragtay in aysan suurtagal noqorin karin in ay la fadhiisato maamulo dowladda dhexe ka mid ah.

“Wasiir Danni xukuumadda ma dirsan, haddii uu shirka tegayna  waxey aheyd inuu yiraa waxaa shirka ka maqan qeybta ugu muhiimsan ee ganacsatada oo ah Muqdisho” ayuu yiri Xassan.

Xildhibaanno Xassan, qoddobada uu ka hadlay waxaa kale oo ka mid ah; isku shaandheyn maalmahan la hadal hayey in lagu sameynayo Golaha Wasiiradda Xukuumadda waxaana uu yiri:

“Ilaa hadda ma jirto caddeyn rasmi ah oo arrintaasi isku shaandheynta la xiriirta, haddiise ey dhacdo isku shaandheyn qofka ugu horreeya ee ey saameyso waa inuu noqdaa wasiir Daani oo raba in halkii uu Qaranka u shaqeyn lahaa inuu qabiilkiisa u shaqeeyo, haddii cid la bedelaayo waa in isaga ha ugu horreeyo, ha la joojiyo dadka aan dambiga laheyn ee lagu galgalanaayo dadka beddelka u baahan waa ninkaas oo kale”.

Xildhibaan Xassan wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya haddii shaqadeedii lagu qabsado in taas micnaheedu tahay in dowladdu tahay magac u yaal un.

“Puntland waa Gobol ka mid ah Soomaaliya; waxaana baarlamaanka iyo xukuumadda ugu jira xildhibaanno iyo wasiiro, waxey xaq u leedahay in ay gudahooda ismaamuleen, siyaasadda dalka lagu hagayo waxaa ka masúul ah dowladda dhexe. Maxey tahay wafdigan la leeyahay waxaa hogaaminaya Madaxweynaha Puntland ee diyaaradda inta qaata waddamo dibedda ah la kulmaya, ee dhahaya waxaan kala hadleynaa xiriirka naga dhexeeya ? Maxey ka wadahadli karaan beel ka mid ah beelaha Soomaaliya iyo dowlad shisheeye.? Maxaa dowladnimada loogu ciyaarayaa.?  Maxeyse Madaxweynaha, R/wasaaraha & Guddoomiyaha baarlamaanka uga aamusan yihiin waxna uga qaban laýihiin gacan dhaafkaasi.?  Haddii dastuurku qorayo Maamul goboleed kasta wuxuu xaq u leeyahay in dalal dibedda ah inuu keligiis la tacaamuli karo isaga oo aan dowladda dhexe soo marin, dastuurku hadduu sidaa qorayo ha na loo sheego.? Haddii kale baarlamaanku waa inuu farta ku fiiqaa waxa Puntland ay sameyneyso in aysan aheyn wax sharciyad ku fadhiya” ayuu yiri Xildhibaan Xassan C/qaadir, wuxuuna intaa ku daray;

“Dowladdu waa in Puntland ay ula dhaqantaa Puntland si la mid ah Gobolada kale, dadka Puntland degan kama Soomaalisana dad kale ee Soomaaliyeed. Dowladda & Puntland haddii ay siman yihiin ha inoo sheegto, maalin walba wafdi caalami ah ayaan la shirnay ayuu leeyahay Gaas, fadeexada ugu weyn ee dowladda Soomaaliya ku dhacday waxey aheyd Somaliland oo sheegata in ay Soomaaliya ka go’day, cid aqoonsatayna aaney jirin ayaa qaadacay shirka Sweden oo tiri maamul goboleed qabiil lama fadhiisan karno, dowladdii soomaaliya oo dhan ka wakiilka aheydna waxaad wadatay beel oo tiri halkaas inoo fadhiiso xilkaaga ayaan sarifaneynaa, waa qaladkii 2-aad muddo bil gudahood ah, annaga nin Soomaaliya u shaqeynaya ayaan rabnaa nin beel u shaqeynaya ma rabno” ayuu yiri Xildhibaan Xassan C/qaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com