Luuq (Caasimada Online) Waxaa qaybo ka mid ah degmooyinka gobalka Gedo booqasho ku jooga sideed xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaannadaas waxaa ka mid ah Muuse Sheekh Cumar, wuxuu la hadlay VOA isagoo ku sugan degmada Luuq, wuxuuna sheegay in booqashadooda la xiriiro siddii ugu kuur gali lahaayeen xaaladda gobalka Gedo.
Wuxuu sheegay in ay soo qiimeeyeen oo ay darseen xaalladda ay ku sugan yihiin dadka ku dhaqan gobalka Gedo, maadama ay ka soo jeedaan gobalkaas.
“Maalmahan waxaan booqasho ku joognaa gobalka Gedo, oo dowladda aysan wax badan ka ogeyn, waxaan soo qiimeenay, xaaladda Waxbarasho, Biyaha, Caafimaadka iyo dhismooyinka wadooyinka, waxaana ay dadka gobalka Gedo noo dhiibeen fariin ah in dowladda ay caawiso dad ku dhaqan halkan” ayuu yiri Muuse.
Mar la weydiiyay wax yaabaha ay ku soo arkeen goobaha ay booqdeen?
Wuxuu sheegay in wadooyinka gobalka Gedo gaar ahaan Luuq iyo Dowlow oo ah 80km in ay burbursantahay, wuxuu kaloo sheegay in xoolaha ku nool gobalka aysan heesan xannaano ku filan, wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan dhismooyin burburay oo ku yaalla gobalka gaar ahaan dhismooyinka maamulka ee gobalka Gedo.
Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar ayaa sidoo kale tilmaamay in ay soo arkeen ciidamo ka tirsan dowladda oo dhaawac ah kuwaasoo aan helin caafimaad iyo daryeel ku filan.
Ugu dambeen wuxuu sheegay in marka ay ku laabtaan Muqdisho lana furo kalfadhiga seddaxaad ee golaha baarlamaanka in ay hor geeyn doonaan wa xyaabaha ay ku soo arkeen goobaha ay booqdeen.
Waa markii ugu horeysay oo xildhibaanno tiradooda intan gaareyso ay booqdaan gobalka Gedo tan iyo markii la dhisay baarlamaanka Soomaaliya sannadkii hore.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Baladxaawo