Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah oo laga helaayo kulankii u dhexeeyay Xildhibaanada wada Mooshinka looga soo horjeedo R/W C/weli Sheekh Axmed, ayaa sheegaya in Xildhibaanada ay si wada jir ah u saxiixeen warqad dheer oo ay ku qoran yihiin Magacyadooda.
Qoraalka iyo Saxiixa oo ahaa mid wadajir ah, ayaa waxa ay u gudbinayaan guddoonka baarlamaanka, laakiin lama oga waxa ku qoran qoraalka iyo waxa uu ku saabsanyahay, inkastoo la tilmaamay in qoraalkaasi uu ahaa mid uu amray Madaxweyne Xasan.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa xaqiijiyey inay warqaddaas ku qoreen arrimo muhiim ah balse aysan dooneyn inay shaaciyaan waxa ku qoran.
Waxa kale oo uu ku dooday in 180 xildhibaan ka badan ay saxiixeen warqadda, taasi oo muujineysa sida ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed iyo siyaasaddiisa loo diidan yahay.
Jawaari ayaa waxaa walaac adag ka heysto fashilada ka imaanaya Kulamada BF, waxaana jira cadaadis adag oo uu kala kulmaayo dhanka Xasan Sheekh, Beesha Caalamka iyo Xildhibaanada taageersan Madaxweynaha.
Lama Oga go’aanada xigi doono Fashilka ku imaaday Labadii kulan ee lasoo dhaafay islamarkaana ahaa mid kusoo biyo shubtay Fashil.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

