Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinkii dhawaaan laga keenay Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed oo ku shiray Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay Qodobo adag kasoo saaren kulankooda.
Xildhibaanada oo ka murugeysnaa Saameynta uu mooshinku ku yeeshay Hay’adaha dowladda sida amniga,siyaasada iyo Xaalada hadda taagan ayaa waxa ay soo saaren Afar qodob oo uu Saxaafada u aqriyay Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibraahim waxaana kamid ah:-
1. In xaaladda dalka ee dhinaca siyaasaddu ay tahay mid cakiran, taasna ay sabab u tahay mooshinka sharci-darrada ah ee xukuumadda laga keenay.
2. In xukuumadda howshii loo idmaday ay dardar-galiso, lagana daayo faro-gelinta lagu hayo.
3. Baarlamaanka waxaa horyaalla kal-fadhigga shanaad shaqo culus oo ah in la meel-mariyo hindise sharciyeedyo, lana dhiso guddiga madaxa banaan ee lagu xaqiijin lahaa hiigsiga 2016-ka, taasoo lagu gaaro karo wada-shaqayn iyo is-faham dhex-mara xukuumadda iyo baarlamaanka.
4. Ugu dambeyn, halku-dhiggeennu waa badbaadinta Qaranka, ilaalinta dastuurka KMG ah iyo himillada ummadda xaqiijintooda.
DAAWO SAWIRADDA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

