Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya iyo ku-xigeenadiisa ayaa go’aan ku gaaray in mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed aysan dib usoo hordhigin baarlamanka, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.
Go’aanka ayaa yimid kadib markii Jawaari iyo labadiisa ku xigeen ay shalay kullan la qaateen xubno ka socday beesha caalamka oo ugu hanjabay inaysan mar dambe mooshinka kusoo celin baarlamanka.
Jawaari oo la shiray Xasan Sheekh ayaa xalay u caddeeyey mowqifkiisa, islamarkaana aysan jirin wax uu ka qaban karo.
Jawaari waxa uu Xasan Sheekh u sheegay in xildhibaanno badan oo beesha caalamka ay gadaal ka riixeyso ay fowdo ku wadaan baarlamanka, sidoo kalena ay beesha caalamka amar adag siisay isaga naftiisa.
Sida ay ilo-wareedyada Caasimada Online sheegayaan, Jawaari waxa uu madaxweynaha u sheegay inuusan amri karin in xubno xildhibaanno ah oo qaarkood ay da’ yihiin xabsi la dhigo, sidaa darteedna ay door bidayaan in la maro jid aan mooshin ahayn.
Si kastaba, madaxweynaha iyo kooxdiisa ayaa la yimid xeelad kale oo ay cadaadiska ugu kordhinayaan ra’iisul wasaaraha, waxaana ay so mareen dhinaca golaha wasiirada.
Sida ay Caasimada Online xalay daabacday, waxaa ra’iisul wasaaraha inuu is-casilo ugu baaqay 14 ka mid ah golaha wasiirada, kuwaasi oo ku hanjabay inay ayaga is-casili doonaan haddii uusan 24 saac gudahood xilka uga deign. Halkan ka aqri
Waxaa muuqata in khilaafkan uu yahay kii ugu adkaa ee soo mara dowladihii dhowaanahan soo maamulay Somalia, waxaana weli is garab yaala taageeerada beesha caalamka ee Cabdi Weli iyo taageerada Xasan Sheekh uu ka haaysto xildhibaanada iyo golaha wasiirada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

