Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia, ayaa la soo sheegayaa inay isku baheysanayaan ka hor imaanshaha Ra’isul wasaaraha Cusub ee uu yeelan doono dalka.
Xildhibaanadani oo siyaabo kala duwan kulamo ugu qaadanaya Hoteelada Hayat iyo Jazeera ee Muqdisho, ayaa waxaa la soo warinayaa inay ka mid yihiin xildhibaanno saameyn iyo miisaan culus leh, oo is-beddel weyn sameyn kara.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xildhibaanadaani ay u badan yihiin garabkii taageersanaa Madaxweyne Xasan, oo iminka u muuqda kuwa madaxweynaha dhabarka xijiyey, halka qaarka kalane ay yihiin kuwii kasoo horjeeday mooshinkii Cabdi Weli.
Sidoo kale waxa ay xogta ay heshay Caasimada Online sheegeysaa in xildhibaanadan ay ku dhow yihiin 130, oo ah ku dhowaad bar ka mid ah baarlamanka.
Inta badan xildhibaannada ayaa sheegaya in sababta ay ku diidan yihiin Cumar Cabdirashiid ay tahay inuu yahay ninkii iibiyey badda Soomaaliya ee dhex joojiyey muranka ay maanta ku jirto.
Is hortaaga Xildhibaanadani ayaa waxa uu sababi karaa dib u dhac xili waliba ku yimaada magacaabista Cumar Cabdirashiid, ama qasbi karta in Xasan Sheekh uu ka laabto.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

