Xildhibaano iyo saraakiil ciiidan oo kasoo jeeda beelaha Hawiye oo gaaray Shiirkole

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo ka soo jeeda Beelaha Hawiye, gaar ahaan Mudullood iyo Murusade ayaa galabta gaaray xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan oo maalmahan ay xiisad colaadeed ka taagan tahay.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha iyo xildhibaanadan ay u tageen Shiirkole inay garab is-taag iyo taageero u muujiyaan Jeneral Saadaq Joon iyo xildhibaadana beesha Habargidir ee halkaas ku sugan, oo ay is-hayaan ciidamada dowladda.

Xildhibaanada iyo saraakiishan ayaa la filayaa, sida aan xogta ku helnay inay ka qeyb-galaan shir jaraa’id oo ay si wadajir ah halkaas ugu qabanayaan xildhibaanada, saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye.

Xubnahan ayaa watay gaadiid dagaal iyo ciidan aad u badan, sida ay sheegeen dad ku sugan xaafadda Shiirkole, taasi oo sii kordhineysa ciidanka tirada badan ee horey halkaas ugu sugnaa. Wararka qaar ayaa sheegaya in ilaa 50 tikniko ah ay halkaas gaareen.

Xaafadda Shiirkole ayaa waxaa ka taagan xiisad colaadeed oo ka dhalatay isku day ay dowladda ku dooneyso inay kusoo qabato Jeneral Saadaq, kaasi oo fashilmay markii ciidamo badan iyo xildhibaano ay garab istaageen.

Xildhibaanada beesha Habar-gidir oo ay ka mid yihiin Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odowaa iyo Cabdi Saabir Shuuriye, oo ay wehliyaan odayaasha beesha, ayaa xalay shir jaraa’id ku qabtay xaafadda Shiirkole, ayaga oo ka digay in lasoo weeraro Saadaq Joon.

Xildhibaanada ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Muqdisho inay u diyaar garoobaan inay iska difaacaan Farmaajo, oo ay ugu wada yeereen “hoggaamiye kooxeed sharci-darro” ku jooga Villa Somalia.