Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan maamulka Puntland oo laga helay Coronavirus

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedjka Puntland, Mudane Cabdinaasir Yuusuf Xaaji oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ka warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee Covid-19 ee maamulkaasi.

Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in 24 saac ee la soo dhaafay xanuunka laga helay illaa 17 qof, kadib  baaris caafimaad oo lagu sameeyey.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in dadkaasi laga legay cudurka Covid-19 ay ku jiraan hal xildhibaan iyo hal wasiir oo ka tirsan maamulkaasi, iyadoona ay xusid mudan tahay in wasiiro kale oo laga helay cudurka ay ku sugan yihiin gudaha magaalada Garoowe.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka Puntland oo sidoo kale  hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in dadkaasi ay kala joogaan Boosaaso oo laga diiwaan-geliyey 5 qof, Qardho oo iyana 5 ah, Waaciye oo 3 ruux laga diiwaan-geliyey, Garoowe iyo Gaalkacyo oo min laba qof ah.

Tirada guud Covid-19 ee Puntland ayaa mareysa 76 kiis, halka dhimashaduna ay sii cagacageyneyso 3 ruux, sida lagu sheegay warbixintii u dambeysay ee maamulkaasi.

Arrintaan ayaa muujineysa inuu  si weyn Corona ugu sii faafayo deegaanada Puntland oo marba marka ka dambeysa ay sii kordheyso tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka.