Shariif oo shaaciyey heshiis qarsoodi ah oo ka dhaxeeya madaxda DF iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu caawa soo saaray waxa uu walaac uga muujiyey nidaamka ay dalka kusoo galeen, kuna joogaan ciidamada Itoobiya ee aan qeybta ka aheyn howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo toddobaadkii hore diyaarad gargaar siday ku soo riday magaalada Bardaale ee gobolka Bay.

‘Madaxda dowladda waxaan ka rabnaa iney shacbiga Soomaaliyeed la wadaagaan sifaha ay ciidanka Ethiopia kusoo galeen dalka, kuna joogaan. Waxaan qabnaa tuhun ah in uu jiro heshiisyo qarsoodi ah oo u dhaxeeya Ethiopia iyo madaxda dowladda oo ilaa iyo hadda aan lala wadaagin goloyaasha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheesh Shariif.

Mar kale ayuu ku celiyey in tallaanadaas lagu soo riday diyaarada gargaarka siday ay xadgudub iyo halis ku tahay hawada dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee duullimaayada rayidka, waxuuna baarlamaanka dalka ugu baaqay inay qaataan doorkooda la xisaabtanka hey’adaha fulinta ee dowladda.

Hoos ka aqriso qoraalka Sheekh Shariif oo dhameystiran

Howlgalka nabad ilaalinta Amisom waxeey caddeeyeen in ciidanka Ethiopia ee toogtay diyaaraddii African Express ee Gargaarka u sidey Berdaale aysan hoos imaan, kana tirsaneyn taliskooda.

Madaxda dowladda waxaan ka rabnaa iney shacbiga Soomaaliyeed la wadaagaan sifaha ay ciidanka Ethiopia kusoo galeen dalka, kuna joogaan.

Waxaan qabnaa tuhun ah in uu jiro heshiisyo qarsoodi ah oo u dhaxeeya Ethiopia iyo madaxda dowladda oo ilaa iyo hadda aan lala wadaagin goloyaasha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Amisom qaanuun dowli ah oo howlgalkooda xakameeynaya ayaa jira, laakiin ciidanka Itoobiya ee sifaha aan sharciga ahayn dalkeenna ku jooga ma heyno qaab loola xisaabtami Karo oo cad.

Tallaanadan lagu soo ridey diyaarad gargaar waxay xadgudub iyo halis ku tahay hawada (Airspace) dalkeenna iyo xeerarka kale ee duulimaayada rayidka.

Waxaan ku baaqaynaa in barlamaanka uu qaato doorkiisa korjoogteynta hay’adaha fulinta, wadanka lagu maamulo siyaasad daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan.