Xildhibaano ka shiray sidii Farmaajo muddo kordhin loogu sameyn lahaa – Xog

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay shir ku yeeshay Hotel-ka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanadaan ay isku baheysteen diyaarinta sidii doodda doorashada dib loogu celin lahaa Baarlamaanka, iyadoo halkaas laga raadinayo muddo kororsi loo sameeyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanada qaar waxey doonayaan iney dhinac kale u raraan geeddi u socodka marxaladda kala guurka, islamarkaana dib loo furo doodda ku saabsan hannaanka doorasho ee la qaban karo haddii heshiis kasoo bixi waayo shirarka ay ka shaqeynayaan beesha caalamka.

Qorshaha ay diyaarinayaan waxaa ka mid ah in Baarlamaanka la hor geeyo qorshe ku saabsan in doorasho qof iyo cod ah laga qabto dalka, dib loogu yeero guddigii madaxa bannaanaa ee doorashooyinka oo hogaamiye ka aheyd Xaliimo Yareey.

Sidoo kalana muddo kororsi laba sano ah la siiyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaas oo muddo ku dhaw laba bilood si sharci darro ah ku jooga Villa Soomaaliya.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa rumeysan in qorshahan uu yahay mid aan shaqeyn doonin, balse ujeedka uu yahay in xaaladda is-mari waaga lasii dheereeyo, taasi oo waqtiga si dadban ugu kordhineysa Farmaajo.